Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil.

10

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay.

Muddo ka badan 2 bilood ayaa nolol iyo geeri lagu la’yahay Ikraan Tahliil oo kamid ahayd shaqaalaha hay’adda NISA , inkastoo war ay soo saartay hay’adda nabad sugidda ku sheegtay in ay afduubteen Al-Shabaab kadibna dileen, balse war ay soo saareen Al-Shabaab waxay ku beeniyeen eedeyntaas.