RW Rooble Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Cabdi Xaashi Iyo Mahdi Guuleed

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay Maanta gaareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Guuleed Khadar.

Ra’iisul Wasaare Roobe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku boggaadiyay heshiiska ay khilaafkii doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ka gaareen labada Mas’uul, isagoona ku ammaanay xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha u mahadceliyay cid kasta oo kaalin ka qaadatay heshiiska miro dhalaan ahaa ee dadaalladii xalka loogu raadinayay khilaafkii u dheexeyay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi Mahadi Guuleed Khadar.

“Waxaan soo dhaweynayaa isla markaan bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka Gobollada Woqooyi ee Somaliland. Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaan ku ammaanayaa xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay in ay miro dhalaan dadaalladii xalka loogu raadinayay arrintan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu dambeyn Rooble ayaa rajeeyay in heshiiska Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed uu dhaqan galo, loona dhaqaaqo doorashada  xubnaha Somaliland ku matalaya labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku heshiiyay in lasoo afjaro khilaafkii muddada jiray, isla markaana la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha Guddiga doorashada Somaliland, sidoo kalena la gudagalo doorashada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.