Al-shabaab oo iska-fogeeyay dilka Ikraam Tahliil Faarax

10

Ururka Al-Shabaab ayaa iska-fogeeyay af-duubka iyo dilka loo geystay Ikraam Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd shaqaalaha hay’adda Nabad sugidda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in aysan ka dameyn dilkaasi.

“Kama dammbeynmo waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay’adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada ridada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay” ayay yiraahdeen Al-Shabaab.

Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay afduub iyo dil isugu dareen Ikraam Tahliil Faarax, oo muddo laba bilood ah la waysanaa.