Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ciidan oo ku yaal J/hoose

3

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar bilowday qaraxyo waxaa ay ku qaadeen Saldhig ay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay  ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa Gobolka Jubada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka ay isku adeegsanayeen Al-Shabaab iyo kuwa Jubaland, inkastoo aysan xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen saldhiga ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Kudha ee gobolka Jubbada.

Dadka  deegaanka ayaa sidoo kale sheegeen in  saakay Al-shabaab  ay madaafiic ka ka dhex tureen saldhiga ay la wareegeen.

Al-shabaab ayaa iyagu sheegtay in ay la wareegeen saldhiga.

Dhanka kale, Maamul Goboleedka Jubbaland illaa haatan kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab ee la xiriirta in ay gacanta ku dhigeen Saldhiggoodii Jaziirada Kudhaa Degmada Badhaadhe ee Gobolka Gobolka Jubada Hoose.