Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Ikraan Tahliil la dilay

5

Taliska hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaaciyay in la dilay Ikraan Tahliil Faarax ka dib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab.

Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaal firfircoon oo ka tirsan taliska NISA ayaa warkeeda la weysanaa bilihii lasoo dhaafay, waxaana waalidkeeda ay sheegeen in gurigeeda oo ku yaalla agagaarka taliska NISA in gaari gaar ah uu ka qaaday.

Warka kasoo baxay taliska NISA ayaa siddaan u qornaa:

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021. HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.