Hantidowraha Guud Ee Qaranka Oo Dalbaday In La Soo Diiwaangaliyo Heshiisyadii Dhulalka Iyo Guryaha

15

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya inay muddo bil ah (oo ku eg 02/10/2021) kusoo diiwaan-galiyaan dhammaan heshiisyada la xiriira dhulka iyo guryaha oo ay galeen.

Xafiiska ayaa sidoo kale ku wargaliyay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay hay’adaha Dowladda ka dalbadaan nuqullada heshiisyada laga diiwaangaliyay Xafiiska Hantidhawrka Guud.

Hoos ka Akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Hantidhowrka Qaranka.