RW Rooble oo guddoomiyay shir looga hadlay arrimaha Dhaqaalaha

10

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddomiyay shir looga hadlayay arrimaha dhaqaalaha dalka.

Shirkaan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb-galay hay’addaha dowladda u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha oo ay ku jiraan wasiiradda xukumadda iyo mas’uuliyiin kale.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu yiri:

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulanka Tiirka Dhaqaalaha oo lagu falanqeeyay jiheynta iyo kor-joogteynta mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda”.