Madaxweynaha Hirshabelle oo la filayo inuu soo saaro liiska xubnaha aqalka sare.

1

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska u tartamaya xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii kulamo aan loo kala kicin uu madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka waday tan iyo markii uu gaaray magaalada Jowhar.

Musharixiin aad u fara badan ayaa gaaray saacidihii ugu dambeeyay magaalada Jowhar, kuwaasi oo doonayo in ay u tartamayaan senatorada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.