Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay guddiga doorashooyinka.

10

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay inay hirgeliyaan habraacyada u degsan hannaanka doorashada.

Maalinta beri ah ayuu jadwalku ahaa in ay bilowdaan doorashooyinka kuraasta golaha shacabka, balse waxaa muuqata in uu dibu dhac ku yimid, iyadoo weli aan la dooran kuraasta qaar ee golaha Aqalka Sare.