Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

6

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Golaha Amniga maamulkaas.

Shirkan ayaa looga hadlay dar-dargelinta sugida nabad-gelyada iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Kulankan waxaa kasoo qeybgalay dhammaan hoggaanka laamaha amniga Galmudug kuwaas oo madaxweyne ku xigeenka la wadaagay xaaladda amni ee deegaanada Galmudug iyo qorshaha howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.