Madaxweyne Farmaajo oo waraaqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirada Tansaaniya iyo Angola.

1

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Danjiraha Jamhuuriyadda Tansaaniya John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo ku aaddan xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Labada Dal.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Danjire John S. Simbachawene in uu ku guulaysto gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Angoola Sianga Samuel Abilio ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkaynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo isu-socodka. Isaga oo uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran.