Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Kulmay Golaha Midowga Musharixiinta

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Golaha Midowga Musharixinta Madaxweynaha, waxaana kulanka uu ahaa mid diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo quseeya siyaasadda dalka.

Kulanka oo ahaa mid Xasaasi ah ayaa waxaa mas’uuliyiintu ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, turxaanbixinta habraacyadii 24-kii bishan.

Waxaana sidoo kale inta uu kulanku socday looga hadlay sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashda Golaha Shacabka Baarlaanka  Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale Musharxiintu ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen tabashooyin dhowr ah oo ay ka qabaan hanananka doorashinku ku billawdeen.

ulanka Maanta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay Golaha Midowga Musharixiinta ay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana ay kulankaasi  ay kasoo saareen qodobbo dhowr ah oo ay kaga hadleen, arrimaha taagan ee ku aaddan xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee hadda muranku ka jiro.

Waxaana Qodobadaa ay soo saareen Golaha Midowga Musharixiinta ka mid ahaa in Goluhu uu shir la yeesho Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, shirkaasi oo qorshuhu ahaa in looga hadlo tabashooyinka iyo waxyaabaha ay Musharixiintu ka tabanayaan dhanka Xukuumadda oo iyada lagu wareejiyay arrimaha doorashooyinka, sidoo kalena RW Rooble ayaa horay u sheegayn in xafiiskiisu u furan yahay cid waliba oo tabasho qabta.