Kooxda hobollada Waaberi oo eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya.

18

Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Kooxda Hobolada Qaranka ee Waaberi, iyagoo si kulul ugu hadlay warqad shalay kasoo baxday hafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, taas oo lagu sheegay in shirkad lagu magacaabo Xaawo Taako oo ay leeyihiin ganacsato laga iibiyay dhul ku yaalo Tiyaatarka qaranka dhabarkiisa dambe.

Kooxda Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in Xaruntii Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka qaranka ay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ka kireeyeen shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay, iyagoo saxaafada u qeebiyay cadeymo muujinaya heshiiska dhexmaray Madax ka tirsan Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Shirkada Xaawo Taako oo kala saxiixday heshiiskaan oo ah 20 sano. iyadoo heshiiskaan uu dhigayo sida ku xusan warqada in shirkaddaas lagu wareejiyay qeyb ka mid ah dhismaha Xarunta Murtida iyo Madadaalada Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho.

Sidoo kale Fanaaniinta iyo Abwaannada Hobollada Waaberi ayaa sheegay iney marnaba aysan aqbali doonin islamarkaana arrintaas ku tilmaamay boob lagu sameenayo xarumaha iyo dhismaha uu qaranku leeyahay.

Dhankiisa Maareeyihii hore ee Xarunta Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Abwaan C/nuux Yuusuf oo ka hadlay arrintaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay in uusan ka aamusin boobka lagu hayo Tiyaatarka qaranka waa sida uu hadalka u dhigayee.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure Afhayeenka Golaha abwaannada Soomaaliyeed sidookale soo noqday Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in Tiyaatarka lagu dhisay hantida ummada Soomaaliyeed islamarkaana Hobollada Waaberi ay usoo joogeen xilli adag oo uu soo maray Hoyga Fanka Soomaaliyeed.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sidookale sidaan yiri isagoo lahadlaya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo “Hadaad been ku timid shalay Buro fool ku taaliyo bar madow inaa tahay Maanta wan ku baranoo beri nama dageeyside Fahad boqor ha kaa dhigo” ayuu yiri.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey qoraal uu soo saaray ku mamnuucay in aan la iibin karin lana kireen karin hantida qaranka uu leeyahay, xilli mashruucaan lagu kireeyay Tiyaatarka Qaranka la sheegay iney qeyb ka yihiin Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda.

Xarunta Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa horey loogu dhisay ollole isxilqaan ah, kaas oo ay ka qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.