Madaxweyne Guudlaawe oo dib ugu laabtay Jowhar.

2

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaas.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee looga hadlayay habraacyada doorashooyinka.

Dhinaca kale, tagidda madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kusoo aadeysa, iyadoo wali xal laga gaarin qorshihii ahaa in madaxweyne Guudlaawe uu tago magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.