Haweeneey dilkeeda Tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Matabaan.

10

Wararka laga helayo Degaanka Miira Jibaale oo hostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in halkaas lagu dilay qof Dumar ah oo lagu magacaabo Iftin Axmed kadib markii ay Tooreey ku dishay Haweneey kale oo iyadana lagu magacaabo Dahabo Faarax.

Dirirtan oo u dhaxeeysay labo Qoys oo daris ahaa ayaa sidoo kale sababtay dhaawacyo soo gaaray Haweenka dagaalamay qaarkood.

Haweeneyda la dilay ayaa Meydkeeda la keenay Degmadda Guriceel, waxaana sidoo kale goobta wax ka dhaceen ku baxay Ciidamadda boliiska degmadda Guriceel kadib markii ay lasoo xiriireen dadka deegaanka.

Qaar kamida Dadka Degaanka oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in arintani ku lug leedahay Fal Kufsi ah oo Degaankaas horey uga dhacay.