Sanbaloolshe oo sheegay iney wadaan dadaalo uu ku tagayo Cali Guudlaawe Beledweyne.

17

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee NISA oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in saacadaha soo aaddan ay wada hadal la geli doonaan Madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle, Siyaasiyiinta, Xildhibaannada qaar iyo Odoyaasha dhaqanka ah sidii Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ( Guud-laawe ) oo uu tagi lahaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Intaa kaddibna loo guda geli doono xal ka gaaridda cabashada ay qabaan dadka reer hiiraan waa sida uu hadalka u dhigayee Sanbaloolshe.

Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa in xiisadda ay abuureen ciidamadii qabsaday qeybo kamid ah Magaalada Beledweyne iyo shacabka qaar oo dibad baxyo dhigay, taas oo la xaliyay haatanna loo soo jeesanayo sidii Madaxweyne Cali Guud-laawe uu ku tagi lahaa Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Siyaasiyiinta qaar iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa shalay xal ka gaaray xiisadda kacsanayd ee waayadaan dambe ka taagneyd Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaddib markii loogu baaqay iney dib ugu laabtaan xeryahooda ciidamada gadoodka sameeyay ee qabsaday qeybo kamid ah magaalada beledweyne kuwaa oo haatan la sheegay in aan waxba loo raacan doonin.