Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay burcad dhac ka geysanaysay Muqdisho

3

Ciiidamo booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ay soo qabtay afar nin oo burcad ah, kuwaasi oo dhac ka geysan jiray degmadaasi, islamarkaana ay dhibaato ku qabeen shacabka degan degmada Yaaqshiid.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen kooxahan burcad ah, islamarkaana waxaa ay sheegeen in  dadkan ay wax ku dhici jireen Bustoolad Caag ah.

Sidoo kale maamulka degmada Yaaqshiid in raggan burcada ah lagu wareejin doono hay’adda caddaalada, islamarkaana la maxkamadeyn doono.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigiyay kooxaha burcada ah ee dhaca ka geysta degmooyinka gobolka Banaadir.