Waxaa maanta la filayaa in degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka dhacaan bannaanbaxyo waaweyn oo ay shacabka ku muujinayaan mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee gobolka iyo maamulka Hirshabeelle.
Bannaanbaxyadan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya maamulka uu hoggaamiyo madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo dadka ka qeybgalaya ay doonayaan inay muujiyaan aragtidooda ku aaddan hoggaanka maamulka iyo qorshaha la xiriira in Cali Guudlaawe uu mar kale hoggaamiyo Hirshabeelle muddada shanta sano ee soo socota.
Sidoo kale, bannaanbaxyo ayaa laga filayaa deegaano iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo qabanqaabada iyo baaqyada ku aaddan dibadbaxyada ay kusoo aadayaan xilli uu gobolka ka jiro dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan.
Xaaladda ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan gobolka Hiiraan looga dhawaaqay hindise loo bixiyay “Hirshabeelle Cusub”, kaas oo ay qayb ka yihiin kulamo iyo wadatashiyo ay wadaan siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo qeybaha bulshada.
Doodda ka taagan mustaqbalka Hirshabeelle ayaa si gaar ah uga xooggan gobolka Hiiraan, iyadoo ay jiraan dhinacyo qaba in go’aannada la xiriira hoggaanka maamulka iyo mustaqbalka Hirshabeelle loo baahan yahay in lagu saleeyo wadatashi ballaaran iyo aragtida bulshada deegaanka.











