Galmudug oo ka hadashay deegaanada ay ka baxeen ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug.

10

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudg Axmed Shire Falagle oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu beeniyay in ciidamada xoogga iyo daraariishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii hore ee koofur ta gobolka Mudug.

Wasiir Falagle ayaa sheegay in ciidamada xoogga aysan ka bixin deegaanada Camaara, Bacadweyn, Shabeelow iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug, balse waxaa xusid mudanĀ  deegaanada ay shalay isaga baxeen ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug.

Ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ayaa shalay gabi ahaanba isaga baxeen deegaanada ka tirsan koofurta gobolka Mudug, halkaasi oo dagaal culus uu ku dhexmaray cidiamada xoogga iyo dagaalameyaasha Al-shabaab.