Koox hubeysan oo dad ku laayay Nigeria

5

Koox hubeysan ayaa toogtay  36 qof waxayna burburiyeen dhismayaal ku yaalla tuulo u dhow magaalada Jos ee bartamaha Nigeria.

Dableyda ayaa  gowrac iyo rasaas isugu daray dadka ku nool Yelwa Zangam, sida uu sheegay afhayeenka milateriga. Ciidamada ayay markii dambe gaaray goobta, maadaama buundooyinki la burburiyay, ayuu raaciyay.

Jos waa caasimadda Gobolka Plateau waxaana dagaall joogto ah ku dhexmareen kooxda Hausa-Fulani, oo ka talisa waqooyiga Nigeria oo dhan, iyo tiro qowmiyado maxalli ah oo diidan maleeshiyaadka.