Go,aano laxiriira doorashooyinka oo ay soo saareen Odayaasha iyo Waxgaradka Gaalkacyo.

10

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa shir ku yeeshay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degaannada Puntland, kuwaas oo shirkooda kasoo saaray Warsaxaafadeed ay uga hadleen xaaladda dalka si gaar ah arrimaha doorashooyinka.

Qodobada shirka oo warbaahinta lala wadaagay ayaa ah qodobo, kuwaas oo u badan xaalada siyaasadeed dalka.

kuwaas oo kala ah:

1: Doorashadii aqalka sare ee lagu qubtay dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan Caasimada Garoowe.

2: Habraaci Doorashadda aqalka hoose oo  ay saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
xilgaarsiinta iyo madaxda dowlad Goboleedyada.

3: U ustaynta Magaaladda Gaalkacyo in lagu qubto doorashada heer federael ee Puntland.

4: Awoodsiinta waxgaradka, Nabadoonadda iyo isimadda gobolka ee xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanadda iyo talo ku yeelashada xubnaha beelaha gobolka Mudug u matali doonu heer federaal.

5:  Dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo.

Sidookale Waxaa ay Odayaasha iyo Waxgaradka Gaalkacyo ay go,aamiyen in doorashadda xubnaha labada aqal ee gobolka mudug lagu qabto magaaladdaas ayna casuumad u dirayaan guddiyadda doorashadda ee heer federaal iyo heer Puntland.

Waxaa ay tilmaameen iney rabaan in doorashada labada aqal ay noqoto mid beelaha mudug ay ku doortaan xildhibannadda ay iyagu rabaan oo heysta kalsoonida loogana hortago shakiga laga qabo boobka doorashadda ee lagu maamulay tii aqalka sare.

Ugu dambeyn Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaraska Gobolka Mudug ee kasoo jeeda Puntland ayaa isla gartay dhowr qodob ay ka soo saareen shirkooda kuwaas oo kala ah:

1: Shirku waxuu ugu baaqayaa markii saddexaad in Puntland gaar ahaan Wasaaradda arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo dimuqraadiyaynta ay bilowdo
dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo si loo baahiyo is maamulka
shacabka loogana baaqsado in hakad ku yimaado mashaariicda horumarineed ee ka
socda degmadda kuwasoo badankoodu ku xiran yihiin jiritaanka golle deegaan oo dadku soo doortaan.

2:  Shirku waxuu ugu baaqayaa dhamaan bulsho weynta Puntland inay u istaagaan siddii
loo badbaadin lahaa jiritaanka iyo midnimadda guud ee umadda Sommaliyeed gaar
ahaan kan Puntland loona diyaar garoobo siddii looga hortagi lahaa boobka iyo ku takrifalka awoodeed ee la doonayo in lagu afduubo doorashooyinka aqalka hoose ee
heer federaal isla markaana ay sidda ugu dhaqsaha badan uga qaataan go ‘aamo wax ku
Ool ah oo ay ku muujnayaan dareenkooda.

3: Shirku waxuu ugu baaqayaa isimadda Puntland inay ku dhawaaqaan qabashada
shirweyne looga tashanayo isla markaana lagu badbaadinayo midnimadda iyo jiritaanka
Bulshadda Puntland ayna hormuud u noqdaan in umadda Soomaaliyeed laga budbaadiyo in xukunka dalka ay boobaan shukhsiyaad aan haysan kalsoonidooda oo ku xukuma rabitaankooda baalna mara heshiisyada bulsho oo la isla ogol yahay.

4: Shirku waxuu bogaadinayaa isdhexgalka dadyowga kuwada dhaqan gobolka Mudug
waxuuna ku boorinayaa inay ilaashadaan nabadgalyadooda, horumarkooda iyo
midnimadooda ayna kasoo horjeestaan wax kasta oo wax u dhimaya xasiloonidda iyo
wada jirka bulshadda.

Qodobada shirkaam kasoo baxay oo ay yeesheen Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa imaanaya, iyadoo doorashooyinka soomaaliya uu ka jiro khilaaf ka dhashay soo saarista habraaca doorashooyinka golaha wadatashiga iyo kii ay hore u soo saareen Guddiga doorashooyinka heer federaal oo iyaga dhexdooda isku khilaafay soo saaristiisa.

Sidoo kale waxaa hore u jiray tabasho ay qabaan Musharixiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, oo ku aadan sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka iyo soo saaristii habraacii doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.