Banaabaxyo looga soo horjeedo Alshabaab oo ka socda Gaalkacayo

1

Wararka ka imaanaya koofurta magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay ay xiran yihiin goobaha ganacsi ee ku yaala magaaladaas.

Xirnaan shaha goobaha ganacsi ayaa timid kadib amaro xalay kasoo baxay laamaha amniga Magaakada Gaalkacayo .

Ganacsiga, waxbarashada iyo goobaha kale ee magaalada Gaalkacyo ayaa xiran, waxaana dad weynaha Gaalkacyo saakay u dareereen Goob loo asteeyey inuu ka dhaco dibad bax weyn oo lagu taageerayo howlgalka ciidamada xoreynta degaanada Galmudug ee ka socda Koofurta gobalka Mudug.