Maxkamadda gobolka Galgaduud oo xukuntay eedeysane loo haystay kufsi.

2

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun shan Sano ah ku ridday Maxamed Cabdi Dhoorre oo ku eedeysnaa kufsi iyo afduub uu ugu geystay degaanka Godinlabe, Farxiyo Cali Maxamed oo 6 jir ah 19-8-2021.

Axmed Salaad Kulane, Garsooraha maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa doodo iyo qiraallo dheer ka dib xiritaanka fadhiga ku riday eedeysanaha 5-sano oo xabsi ah iyo bixinta labo neef oo Geel ah oo ay maxkamaddu sheegtay in ay noqonayaan dhiigga gabadha.