Wasiirka Caafimaadka oo la kulantay wafdi ka socda WHO.

11

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Fadraalka ah ee Soomaaliya Drs Fawziya Abikar Nur ayaa Isbitaalka Martini ku qaabishay Wafdi ka socda Hay’ada WHO.

Wasiiradda iyo wafdiga ayaa booqasho ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida Goobaha Talaalka lagu qaadanayo, dhismayaal Cusub ee Isbitaalka loo dhisayo iyo goobaha kale ee Bukaanada lagula tacaalo.

Wasiiradda ayaa wafdigaan ku wargalisay inay muhiim tahay in Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku sida lacag la’aanta iyo hagar la’aanta ah Bulshada ugu hayo.

Wasiirka iyo wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan dhismaha iyo Rakibaada warshada Oxygeen oo laga hirgalinaayo isbitaalka Martiini gudahiisa.

Wasiir Fawziya waxay la dardaarantay shaqaalaha caafmaaadka Isbitaalka, ayadoo ku boorisay in looga baahan yahay xilligaan adag inay u dhabar adaygaan shaqada una gutaan sida ugu hufan.