Sacuudiga oo xiray nin af-lagaadeeyay xaaska Nabiga (NNKH).

1

Booliiska Sucuudiga, ayaa xirey nin la sheegay inuu ku caayey nabi Muxummed “NNKH” xaaskiisa Caa’isho baraha bulshada.

Ninka la xirey ayaa dadiisa waxaa lagu qiyaasey soddomeeyo, isagoo galiyey aflagaadada meel ka dhaca bar ay la isku weeydaarsado afkaaraha.

Afhayeenka booliiska ee magaalada Riyadh, Maj Khaled al-Kraidis, ayaa warkan ku sheegay barta waaxda ammaanka ee Sucuudiga 20-kii bishan August.

Sida uu sheegay afhayeenku, waxaa lagu sameeyey ninkan la xirey baaritaan, iyadoo loo gudbiyey xeer ilaalinta guud.