Dad shacab ah oo lagu dilay Galgaduud

3

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegayo in Maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay dad Shacab ah saarnaayeen oo ka baxay degmada Balanballe, islamarkaana ku wajahnaa deegaanka Balli-dhiig oo dhanka Waqooyi Galbeed 120km ka xiga degmada Guriceel.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhinteen weerarka , halka ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah maleeshiyaadkii Gaariga rasaaseeyay kadib markii wadaha Gaariga uu ku furay rasaas uu iskaga caabinayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydadka dadka ku dhintay weerarkaasi la geeyay degmada Balanballe.

Weerarka ayaa salka ku hayo falal la xiriiri aanooyin qabiil ah oo kajira degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.