Taliban oo sheegtay iney magan galyo guud iyo cafis u fidiyeen dadka oo idil.

3

Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ammaanka guud ee dalka Afghanistan uu sugan yahay, kadib markii wax laga weeydiiyey in goobaha ay gacanta ku hayaan ay ka dhacayaan dilal iyo afduubyo.

Wuxuu intaa ku darey afhayeenka in aanu qofna qof kale afduubi karin, isagoo sheegay iney sii xoojinayaan ammaanka iyo kala danbeynta maalinba maalinta ka danbeysa.

Wuxuu carabka ku adkeeyey inaaney dooneyn hal qof xitaa inuu ka tago ama ka cararo dalkani, isagoo sheegay iney magan galyo guud iyo cafis u fidiyeen dadka oo idil.

Dhanka kale, wuxuu tilmaamey inaaney jiri doonin wax dhiilo colaad ah, waa sida uu sheegay afhayeenkee ama aargoosi iyo colaad kalaba.

Afhayeenka wuxuu kaloo sheegay in dalka Afghanistan aanan loo isticmaali doonin xarun ama goob lagaga duullo dalka kale, isagoo ka jawaabayey baqdinta laga qabo in mar kale dalkani uu hoy u noqdo dagaal yahanada al-Qaeda.

Zabihullah Mujahid, ayaa sidoo kale sheegay in Bulshada Caalamka ay u xaqiijinayaan in dalkani noqon doono, sida dalalka kale ee caalamka.