Xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Federaal oo ka horyimid habraacii la soo saaray

4

War qoraal oo ka soo baxay qaar ka mid ah xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa sheegay in aan la isku raacsaneyn habraacii maanta ka soo baxay Guddiga doorashada.

Xubnahaan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeyb yar oo kamid ah Guddiga doorashada ee uu hoggaamiye Guddoomiye Maxamed Xasan Ciro ay soo saareen habraac aan waafaqsaneya wadajirka Guddiga.

Sidoo kale waxaa ay shacabka Soomaaliyeed u cadeeyeen tallaabada ay qaadeen xubnaha yare ee Guddiga ay tahay mid ay ku doonayaan inay ku carqaladeyaan habsami u qabsoomida doorashada dalka iyo Shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in habraacan ay diidan yihiin qaar ka mid ah Guddiyada doorashada heer Dowlad Goboleedka ee SEIT.