Dad horleh oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magalada Muqdisho

15

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-tii saac ee lasoo dhaafay la baaray 1,105, balse la cudurka laga helay 64 Ruux, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay  kala joogaan, Gobolka Banaadir 55 ruux iyo Puntland oo laga helay 9 qof.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin  34  Rag ah iyo 30 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 8 ruux , iyada oo ay ka bogsadeen 24 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 1 15,929  xaaladood 858  dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen  7,783, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.