Dowladda Somalia oo sheegtay in Isticmaalka Daroogada ay kusoo badaneyso dalka

4

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa tilmaamay in dalka ay ku soo badanayaan dadka isticmaalaya waxyaabadaha maanka dooriya oo ay ugu horeyso cirbado daroogo ah oo ay dhallinta si joogto ah u isticmaalaan.

Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqay in loo caqli celiyo dhallinyarada isticmaaleysa daroogada, isla markaana qofkii ku arka inay soo gaarsiiyaan goobaha ugu dhaw ee hay’adaha amniga, si wadajir loogula dagaalamo ka hortagga daroogada.

“Wax la aqbali karo ma ahan waxyaabaha ka socda Hotellada qaarkood, wadanka waa wadan Muslim ah, waa Umad Aabayaal ilaa iyo xilligan diinta Islaamka ku soo barbaartay waaye, sidaa darteed ma aqbali karno waxyaabaha qaar ee ay dhallintu isticmaalayaan ee daroogada ah”. Ayuu yiri Mudane Cumar Cali Rooble

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad weyn oo dalka iyo dadka loogu duceynayay, laguna daahfurayay Barnaamij lagu tababarayo Imaamyo, Khadiibyo, Culimo iyo Macallimiin Dugsi Quraan, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho, isla markaana ay tababarkaan bixin doonto Jaamacadda Al-Azhar Alshariif.