Kenya oo dib usoo celisey safaradda ay ku laheyd Somaaliya.

2

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed C/risaaq Abuukar iyo Dhigiisa Dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa waxay wadajir maanta udaah fureen safaarada Kenya Ee Muqdisho.

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in dib loo hagaajiyey xiriirkii xumaaday labada waddan

Wasiirka arimaha dibada kenya Raychelle Omamo ayaa ka mahad celisey doorka wasaarada Arimaha dibada Soomaaliya ku laheyd dib uwanaajinta xiriirkii xumaaday.

Muddo 6  bilood ayey  xirneed xarunta safaarada kenya ay ku leheed magaalada caasimada muqdisho, balse maanta ayaa dib loo furey , kadib wada hadal toos ah oo dhaxmarey masuuliiyinta somaliya iyo kenya .