Gudoomiye Filish oo u hambalyeey gudoomiyaha cusub ee gudiga Doorashada G/waqooyi.

13

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta ka qeyb galay doorashada gudoonka sare ee gudiga doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee gobolada Waqooyi taas oo ka dhacday xarunta Afasiyooni.

Guddoomiyaha gudiga Doorashada Xildhibanada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa loo doortay Khadar Xariir Xuseen iyadoo gudoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Gudoonkii la doortay isagoo u rajeeyay in uu ilaahey u fududeeyo howlaha adag ee sugaaya xubnaha gudiga doorashada gobolada Waqooyi.