JENERAAL BIIXI oo isku day lagu dili lahaa ka badbaaday

3

Wararka aan ka heleyno deegaanka Hareeridheere oo dhaca koonfurta gobolka Mudug waxay sheegayaan in qarax miino lagula eegtay kolonyo gadiid ah oo uu la socday Taliyaha ciidanka dhulka ee militriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Deegaanka Hareeridheere ayaa dhawaan laga saaray Al-Shabaab, waxayna kolonyada la qarxiyey ee Taliyuhu la socday ay ku sii jeedeen deegaanka Qeycad oo isna dhawaan laga saaray kooxda.

Inta la xaqiijiyey hal askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka ugu yaraan shan kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Sida ay baahisay warbaahinta taageerta ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa galabta lala eegtay kolonyada Jeneraal Biixi.

Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya oo ku sugan Qeycad ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kolonyada lala eegtay qaraxaas uu la socday Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, balse uu ka badbaaday.

Taliyaha ayaa mudooyinkii dambe deegaanadaas ka waday kormeero uu xaqijinayo amniga goobihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Deegaanada ay u kala gooshayeen gaadiidka la qarxiyey ee Qeycad iyo Hareeridheere ayaa dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartama Soomaaliya, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo ka dhacay looga saaray kooxda Al-Shabaab.