Xasan Shiikh oo ka hadlay doorashada ka socota Baydhabo

2

Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku amaanay dhammaan dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed in ay muujiyeen ka go’naanshaha qaadashada kaalintooda kaga aaddan hirgelinta doorashooyinka dalka.

Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa si gaar hambalyo ugu diray Senatarrada maanta kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ayaa si habsami leh kaga socota magaalada Baydhabo iyadoo la doortay Afar xubnood oo labo kamid ah ay dumar yihiin.