Madaxweyne Qoor qoor oo ka hadlay dagaalka ka socda Mudug

1

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalada Al-shabaab looga saaray deegaano ka tirsan Koofurta gobolka Mudug.

Qoor qoor ayaa hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee guulaha ka gaaray howlagalada lagu baacsanayo argagaxisada, sida uu hadalka u dhigay

Madaxweynaha ayaa sheegay in hub badan laga qabsaday Al-Shabaab, islamarkaana deegaano hor ay ka carareen kooxda, isagoona shaaca ka qaaday in meydad badan ay ka tageen Al-shabaab.