Madaxweynihii hore ee Galmudug oo gaaray Dhuusa-mareeb

10

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa gaaray magaalada dhuusa-mareeb ee caasimada maamulkaasi.

Garoonka magaalada dhuusa-mareeb ayaa waxaa aad ugu soodhaweeyya masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kale bulshada ee halkaa ku nool.

Xaaf ayaa ah hadda musharax u taagan mid ka mid ah kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya,

Waxaa uu hore u sheegay mr Xaaf in hadii ay dhacdo in laga reebo kursigaas ay Galmudug ka dhici doonto qiyaamo, taas uu ula jeeday dagaal dhiig ku daato.

Magaalada dhuusa-mareebĀ  wadooyinkeeda waaweyn waxaa la suray kahor tagitaankiisa Galmudug Axmed Ducaale Geelle boorar, kuwaas ay ku qoran yihiin digniin loo dirayo maadxweyne Qoor-Qoor.