Maxamuud Maxamed oo noqday xildhibaankii afaraad oo lagu doortay Baydhabo.

1

Xildhibannada baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa kursiga afaraad ee aqalka sare u doortay Senatar Maxamuud Maxamed Abdinur (Garabeey).

Maxamuud Maxamed Abdinur ayaa helay tirinta cododka kadib codod gaaraya 76 cod, halka Nuur Baabul Cadow oo isna la tartamayay uu helay 9-cod.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socoto doorashada musharixiinta aqalka sare, iyadoo intoodii badanaa la doortay xubnaha kuraasta baarlamaanka Soomaaliya.