Kooxda Horseed oo ku guuleesatay horyaalka Somaaliya.

2

Kooxda kubadda cagta ee Horseed laguna naaneyso Cawo iyo Maalin ayaa maanta oo isniin ah ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League muddo 40 sano ah kadib.

Kooxda Horseed ayaa maanta la madalsanayd kooxda MCC oo iyaduna difaacaneysay koobkan balse ciyaarayahanada kooxda Muqdisho City Club ma aysan imaan garoonka taas oo keentay in si for fait ah ay ku qaado koobka kooxda Horseed.

Maamulka naadiga MCC ayaa kal hore shaaciyay in ay baaqatay ciyaartii kala dhaxeysay Horseed balse ma jirin wax war ah oo ku saabsan kulanka oo ka soo baxay xiriirka.

Kooxaha Horseed Iyo MCC ayaa noqday isku dhibco kulamadii ay ciyaareen horyaalka, kulankii maanta ayaana ahaa kulan kala bax ah balse Horseed ayaa si dhib la’aan ah ku hanatay koobka Super Primier League.