Maxay ka wada hadleen M/weyne ku xigeenka Galmudug iyo xubno ka socday QM?

1

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta.

madaxdaani ka socoto Qaramada Midoobay ayaa hore kulana ula soo qaatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyagoo kala soo hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaalada guud ee deegaanada maamuladaasi.