Muuse Biixi oo shaaciyay waqtiga uu qabsoomi doono kulanka golaha wakiilada cusub ee Soomaaliland

3

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qoraal uu soo saaray waxaa uu kulan deg deg ah uu isugu yeeray golaha wakiilada cusub ee Soomaaliland ee dhawaan la doortay.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in kulanka uu qabsoomi doono maalinta Talaadada ah ee soo socota, iyadoona madaxweynaha uu Khudbad ka jeedin doono kulankaasi

“Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Somaliland;
Waxaan Go’aamiyey in kulanka ay soo xaadiraan golaha wakiilada cusub ee Soomaaliland”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliland.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeelan doonaan golaha wakiilada cusub ee Soomaaliland, tan iyo markii la doortay.