RW Rooble oo dalka dib ugu soo labtay.

6

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane oo isaga wefdigiisu dalka dib ugu soo laabteen ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii argagixisadu shalay koox ciyaartooy ah Kismaayo kula beegsadeen, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib, kadib markii ay kasoo qeyb galeen shir looga hadlay waxbarashada oo ka dhacay dalka Ingiriiska.

Mr Rooble ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay qaraxii argagixisadu shalay koox ciyaartooy ah Kismaayo kula beegsadeen, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  madaxda dowlad-goboleedyada uu ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.