DFS oo ka hadashay duqeyn maanta laga fuliyay Mudug

4

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay duqeymo maanta lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Qaycad ee Koofurta gobolka Mudug.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu burburiyay fariisimihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana lagu taageerayay Ciidanka DANAB iyo kuwa Galmudug ee howlgallada ka wadaa Koofurta gobolka Mudug.

” Waxaa sii kordhaya dagaalameyaasha Al-Shabaab oo ka tagaya ururka Al-Shabaab kadib markii ay ka adkaadeen Ciidanka Danab , waxayna u goosanayaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya halkaas oo lagu soo dhoweeyey si sharaf lehna loola dhaqmay ayaa lagu yiri” bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka.

Muqdisho, 1-da Agoosto, 2021, Mar labaad ciidamada Danab, SNA iyo saaxibadood ayaa duqeeyay maanta abaarahii 10:22 barqanimo inta u dhaxeysa magaalooyinka Bacaadweyn, Cammaara iyo Wasil nawaaxigooda ee maamul-gobaleedka Galmudug.

Iyada oo duqeyntan lagu xoojinayey howlgalka Ciidanka Danab ay ka fulinayeen aaggaas, ayaysan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka ku dhaqan deegaanka. Tan ayaa ka dhigan dharbaaxo xoogan oo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab, si meesha looga saaro falalkooda gurracan ee ay la eegtaan dadka Soomaaliyeed.

Duqeytaan ayaa lagu burburiyey dhufeysyada Al-shabaab ka sameysteen jiidda hore iyo difaacyadooda afka hore si ay ugu fududaato Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo SNA inay galaan xarumaha Alshabaab.

Howgaladaan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ku dhibaateyn karaan Bulshada Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah kuwii u dagaalamayey Al-shabaab oo aad u badan ayaa ka soo goosanaya kooxdan argagaxisada ah, maadaama ay Alshabaab la kulmayaan jab is daba-joog ah ayay xubnaha Alshabaab isu soo dhiibayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kumaandooska Danab, iyada oo lagu soo dhaweeyo si sharfan iyo gacmo furan.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa si geesinimo leh uga dagaalamaya Deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug waxayna u garabsanaayaan hawlgalkooda duqeymaha iyaga oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan.”