Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya kuraasta aqalka sare oo ka socota Baydhabo

5

Magaalada Baydhabo waxa maanta ka socota diiwaangalinta 10 murashax oo u tartami doona shan kursi oo kamid ah Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka oo doorashadiisu dhawr jeer oo hore dibu dhac ku yimid.

Diiwaangalinta kadib waxa la filyaa xubnaha buuxiya shuruurdaha guddiga doorashooyinka inay beri ku tartamaan Golaha Wakiillada Koofur Galbeed oo isagu u codeyn doona shanta kursi ee lagu tartamayo.

Labo kamid ah kursiyadan loo tartamaya ee doorashada Aqalka Sare ee Koofur Galbeed waxaa loo xiray afar dumar ah oo ku tartami doono.

Shantan kursi ee loo tartamaya ayaa ka qeyb ka ah 8 kursi ee Koofur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Shaley ayay aheyd markii madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa shaley soo gudbiyay qaar kamid ah liiska musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Sare.