Wasaaradda gargaarka DFS iyo Wasaaradaha dowlad goboleedyada oo war mur-tiyeed soo saaray.

0

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda gargaar iyo maareynta masiibooyinka ayaa looga hadlay kulan deg deg ah oo ay wada yeesheen wasaaradda gargaarka heer federaal, wasaaraddaha dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo lagu muujiyay intii uu socday walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladda bini’aadanimo, kuwaas oo aad isku soo tarayay.

Sidookale waxaa lagu sheegay qoraalka oo si wada jiraa u soo saareyn iin 5.9 milyan oo Soomaali ah kala bar tiradda dadka soomaaliyeed ay wajahaayaan xaaladdo adag, waxaa ka mid ah dadka nugul,caruur, haween iyo rag, waxaa ay dadkaasi halis ugu jiraan in ay waayaan adeegyada badbaadada u leh nolosha iyo ilaalinta  aadka ugu baahan yihin.

War-murtiyeedka ayaa ka kooban labo bog sidookale qodobada ayaa gaaraya kulanka laga soo saaray 10 qodob kuwaas oo looga hadlayo xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.