Jubaland oo soo gabo gabaysay wejigii koowaad ee doorashada kuraasta Aqalka Sare.

23

Dowlad goboleedka Jubbalanda ayaa maanta magaalada Kismaayo kusoo gabagabeesay wejigii koowaad ee doorashada kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland mudane, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada afarta Senator ee maannta doorashooda ku guuleestay.

kuwaas oo kala ah:

1 :Senator Iftin Xasan Baasto

2: Senator Ilyaas Baddal Gaboose

3: Senator Cabdullahi Shiikh Cismaancil Fartaag

4: Senator Cabdirisaaq maxamed Cusmaan

Doorashada ay kusoo baxeen xubnahaasi waxaa goob joog ka ahaa guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland..

Waxaana xusid mudan in doorashada maanta ka qabsoomtay Jubbaland ay ka muuqan qoondadii haweenka, iyadoo jaamac maxamed oo ahayd Haweeyneyda Kaliya ee Ka qeybgashay Tartanka ayaa Heshay 12 Cod islamarkaana uu ka guuleestay Sanater Cabdirisaaq maxamed Cismaan.