Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya oo gaaray Kismaayo.

3

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Dowlad Goboleedka Jubbland, waxaa gaaray Guddoomiyaha Gudiga Xalinta Khilaafkaadka Doorashooyinka  Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo.

Gudoomiyaha iyo xubnaha la socda oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Waxaana ujeedka safarkooda Wafdigaan uu yahay sidii ay goob joog ay u noqon lahaayeen doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ee lagu wado in ay maalinta barito ah ka qabsoonto Magaalada Kismaayo.

Sidookale Afhayeenka Guddiga Khilaafaadka Doorashada Arrimaha Doorashooyinka dalka ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan inay si cadaalad ah u xaliyan khilaaf kasta oo kasoo laabta doorashooyinka dhacaya ee labada Aqal.

Waxaa uu ku baaqay Afhayeenka In lagu dadaalo in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah, basle aysan dhicin doorasho la kala jiita, isaga oo sidoo kale ku baaqay in lala Shaqeeyo gudiyada doorashooyinka iyo Ciidamada Amniga.