Guddoomiyihii laga hor is-taagey safarkii Gedo oo maanta ka dhoofay garoonka Aadan Cadd

5

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu wehliyo taliyaha saldhigga garoonka Aadan Cadde ayaa sagootiyay Cismaan Nuur Xaaji Mucalimu, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo maanta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka Aadan Cadde.

Cismaan Nuur Xaaji Mucalimuu oo warbaahinta Qaranka garoonka kula hadlay ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku ammaanay tallaabooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qaaday iyo sida hidadiilada leh ee ku hogaaminayo dalka, gaar ahaan ka miro dhalinta hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Cismaan Nuur Mucalimuu guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan laga celiyay inuu ka dhoofo garoonka taasi oo keentay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaado taliyaha nabad sugidda garoonka iyo agaasimaha shaqaalaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.