Madaxweynaha Buntland oo madaxtooyada ku qaabilay Xubno ka socday QM.

11

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso.

Xubnaha ka socday Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa kulan waxaa ay la qaateen Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Waxaa kulankaasi diirada lagu saaray guud ahaan xaaladda Soomaaliya, oo ay ugu horeyso arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo la filayo iney dhawaan ka bilowdaan doorashada Aqalka Sare deegaanada Puntland.