Faah-faahino kasoo baxayo dagaal ka dhacay G.Bakool.

5

Dagalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan Gobolka Bakool.

Waxaa markaa kadib xigay dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac, kaas oo lisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. iyadoo uu jiro khasaaro soo gaaray dad shacab ah.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa si gaar ah ugu dhacay Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin dhanka Waqooyi ee degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen degaano u dhow degmada Waajid, balse aan la shaacin khasaaro dadka rayid ah soo gaaray.

Wararkii ugu dambeeyay aan ka helnay degmsda Waajid ayaa tilmaamaya in xaalada ay tahay mid degan hada, isla markaana dadka , Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.