Booliska Galmudug oo digniin u diray gaadiidleyda ka howlgala Mudug

6

Taliska Booliiska Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug ayaa soo saaray awaamir ku aadan dhanka marista wadooyinka ayagoo diginin usoo jeediyey Gaadiidleyda ku dhaqan Gobolka.

Taliyaha Ciidanka Nabad gelyada Wadooyinka Gobolka Mudug Xidigle Shariif Cali Xarbi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gadiidka isticmaalayo Wadooyinka Gobolka laga doonayo in ay qaataan Taarkadda Cusub ee Dowladd Goboleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa sheegay  in wixii ka danbeeyo muddo sadax maalmood ah  ciddii lagu arko iyadoon wadan aqoonsiga taarikada iyo lahaanshaha gaadiidka talaabo laga qaadi doono loona arki doono in ay gacan siinayaa dadka amni darada ka shaqeeya oo ay ugu horeeyaa argagixisada.